Home WARARKA Dawlada Soomaaliya oo  bilaabeysa Mashaariic laga hakiyay Puntland

Dawlada Soomaaliya oo  bilaabeysa Mashaariic laga hakiyay Puntland

114
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay balse hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan aragno dib-u-bilaabista mashaariicda Barwaaqo iyo Mashruuca Xoojinta Nidaamka Cuntada Soomaaliya (SFSRP) ee Puntland, taasoo dhiirigelinaysa dadaalka lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Beenebeene.

“Wasiir Beenebeene ayaa hadalkiisa sii raaciyay  “Mashaariicdani waxay muhiim u yihiin kobcinta horumarka waara iyo xaqiijinta mustaqbal adkeysi leh dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.”

Mashruuca Barwaaqo, oo ah mashruuc  dhammeystiran oo ku saabsan maareynta biyaha iyo horumarinta kaabayaasha, iyo mashruuca SFSRP oo  ujeeddadiisu yahay  in lagu xoojiyo nidaamyada cuntada ee dhammaan dowlad goboleedyada, iyadoo la xaqiijinayo sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqamada beeraha.

Labada mashruuc ee Barwaaqo iyo SFSRP waxaa loogu talagalay dhammaan dowlad goboleedyada dalka balse dowlad  goboleedka Puntland ayaa si iskeed ah uga hakisay fulintooda deegaanada hoos yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here