Home WARARKA Goobaha Ganacsi ee Xaafada Islii oo xiran

Goobaha Ganacsi ee Xaafada Islii oo xiran

86
0

Dukaamada Ganacsi ee lagu iibiyo cuntooyinka ee xaafadda Islii ayaa saaka xiran kadib markii la sheegay in ay xaafadda yimaadeen ciidamo doonaya in ay baaritaan ku sameeyaan dukaamadda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu bartilmaameedsanayaan dukaamada lagu iibiyo caanaha budada ah ee loo yaqaanno Caano-booro oo ay ku sheegeen in shaci darro ay ku tahay ganacsatada.

Qof ka mid ah ganacsatada raashinka iibiya ee xaafadda Islii ayaa Warbaahinta u  sheegay in xildhibaanka degmada Kamakunji Yuusuf Xasan Cabdi uu ku wargeliyay ganacsatada in ay xiraan dukaamadoodaa ilaa inta uu isagu uga imaanayo.

Ciidamadu waxay sheegeen in dukaamada iyo goobaha kale ee ay howlgallada ka sameeyeen lagu iibiyo waxyaabo sharci darro ah oo caano-booruhu ka mid yahay.

Hase ‘ahaatee  arrintaa waxaa beeniyay xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo wasaaradda amniga iyo guud  ahaan laamaha ammaanka Kenya ka dalbaday in tillaabadaan ay jawaab ka bixiyaan.

Maalmo ka hor ciidamada Kenya ayaa howgallo lagu beegsaday baqaarro iyo dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ka sameeyay isla xaafadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here