Home WARARKA Kalluumeysato Iiraan u dhashay oo laga sii daayay  xabsi  muqdisho ku yaala

Kalluumeysato Iiraan u dhashay oo laga sii daayay  xabsi  muqdisho ku yaala

86
0

Dawlada Iran ayaa sheegtay in maxaabiis uga  xirneyd  Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda.

33 kaluumaysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay, waxaana ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diyaarad lasoo saarayo sida ay ku waraantay warbaahinta Irna ee Iran.

Cali Maxamed Cumar Balcad oo ah kusimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.

Gholampour oo sidoo kale ah Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u fadhiya Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here