Home WARARKA Madaxweyne Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wadajirka iyo...

Madaxweyne Deni oo sheegay in danta Puntland ay ku jirto wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya

35
0

Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka shirka jiheynta xukuumadda Puntland ayaa sheegay in cidna aanay uga carareynin Soomaalinamada.

“Soomaalinimada cidna uga cararimayno, cidda khaldan baan qabanaynaa hadii Allaha idmo, garab istaaga dadkeenna Soomaaliyeedna hore ayeeynu usii wadaynaa“ ayuu yiri Dani.

Madaxweynaha Puntland waxa kale oo ka hadlay sida dawladdiisu diyaar ugu tahay in la wadahadlo, isla markaana ay garnaqasanayaan.

“La isma muquunin karo, la’ ismana dardari karo, dalkaan meesha uu aadayo ha laga wada hadlo, Puntland waxay diyaar u tahay garnaqsi” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Saciid Dani ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale in sharciga la dhawro, isagoo ku baaqay in la wadahadlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here