Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya.
War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Etitrea u aaday sidii uu ula soo kulmi lahaa ciidamo katirsan dowladda oo tababar ku qaadanaya xeryo kuyaalla dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale inta uu joogo dalka Eritrea waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalkaasi, waxa ayna kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo khuseeya xaalada gobolka iyo xiriirka labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer ku tagay dalka Eritrea oo lagu tababaro ciidamo katirsan xoogga dalka Soomaaliya, waxa uuna madaxweyne Xasan Sheekh Xilliyo kala duwan tababar uu ugu soo xiray dalkaas ciidamo xoogga dalka .