Home WARARKA Maraykanka oo duqayn ku dilay xubno ka tirsan Alshabaab

Maraykanka oo duqayn ku dilay xubno ka tirsan Alshabaab

31
0

Taliska ciidanka Mareykanka ee Africom ayaa ka war  bixiyay duqeyn cirka oo ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeynta dhanka cirka ah ay ka dhacday deegaanka Ugunji 10-kii bishaan oo ku beegneyd Sabtigii lasoo dhaafay.

Taliska Africom ayaa tilmaamtay in duqeynta ay aheyd mid ku timid codsi uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya, islamarkaana lagu dilay sadax ka mid ah Al-shabaab.

Warkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dadka shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka ee dowlada Mareykanka ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ka taageera duqeymaha dhanka cirka ah lagu beegsado deegaanada ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here