Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay  Ciidamo  Dhoolatus militari uga qayb galay Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay  Ciidamo  Dhoolatus militari uga qayb galay Kenya

37
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan ku qaabilay  Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Ciidankan madaxweyne Xasan Sheekh  xalay kulanka la qaatay ayaa dhawaan kasoo qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isagoona ku ammaanay sida xirfada iyo kartida laheyd ay uga qeyb galeen dhoolo-tuska

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay ciidankan in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada lagula dagaalamayo  Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here