Home WARARKA Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo maanta guda gashay dhaggeysiga Kiiska Sayid Cali

Maxkamada Racfaanka G/Banaadir oo maanta guda gashay dhaggeysiga Kiiska Sayid Cali

25
0

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilowday dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah.

Ninkaan ayaa lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray dab uu sababtiisa lahaa.

Waxaa hoolka maxkamadda ku sugan saraakiil ka socota xeer ilaalinta ee soo oogtay dacwadda, qareenada difaacaya eedeysanaha, ehellada labada dhinac iyo dadwyene kale.

Saciid Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir ayaa furay Dacwada oo sharraxaadd ka bixiyay dhageysiga kiiskan xasaasiga ah oo ah mid isha lagu wado hayo.

“Fadhiga maanta waxa uu ku saabsan yahay rafcaan uu soo qaatay eedeysane Sayid-Cali Macallin Daa’uud, kaas oo uu kasoo qaatay xukun ay Maxkamadda Gobolka Banaadir kasoo saartay kiiska Luul Cabdicasiis oo ay ku xukuntay dil toogasho ah” ayuu yiri guddoomiyaha.

kadib Waxaa maxkamadda ay u yeertay eedeysane Sayid-Cali oo goobjoo ah, wuxuuna ka hadlay sababta uu usoo qaatay rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, isla markaana uusan gaysan dilka xaaskiisa. Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here