Home WARARKA Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo Xukun ku riday Rag lagu Eedeeyay in ay...

Maxkamadda Gobolka Galgaduud oo Xukun ku riday Rag lagu Eedeeyay in ay dileen Macalin iyo Dhaqtar

51
0

Maxkamadda  gobolka Galgaduud ayaa ku xukuntay dil toogasho ah ku riday  Bile Cabdullaahi Xasan Ciid, Nuur Cabdi Maxamed iyo Shucayb Maxamed Faarax.

Ragga la xukumay ayaa waxaa ku cadaatey inay dil bareer ah u geysteen Macalin iyo dhaqtar wada-dhashey oo lagu diley deegaanka Ilix ee gobolka Galgaduud.

Maxkamada ayaa fasaxday eedeysanihii   4-aad ee kiiskan loo heystay ka dib markii lagu waayey wax dambi ah, iyadoo maxkamadda sheegtay iney xukunkan laga qaadan karo racfaan muddo 30 cisho ah gudahood ah waxaana xukunka ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Galgaduud Sheekh Cismaan Cali  .

Sadexda  dhalinyaro ee la xukumay ayaa lagu eedeeyey iney 8-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023 tuulada Ilix oo 30 Km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-gobaleedka Galmudug ku dileeen labo wiil oo walaalo ah kuwaasoo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan

Hay,adaha  Amniga dowladda Soomaaliya ayaa labo cisho ka dib gacanta ku dhigay raggan lagu helay inay dileen labada wiil ee walaalaha ah oo lagu qabtay degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo baxsad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here