Home WARARKA Qaraxyo ka dhacay Baydhabo iyo Hawlgallo ha socda Magaaladaas

Qaraxyo ka dhacay Baydhabo iyo Hawlgallo ha socda Magaaladaas

22
0

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo  xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay .

Qaraxyada ayaa la sheegay  in lagu weeraray guryo ay degan yihiin Rag Mas’uulitiin ah oo ku yaala Gudaha Magaalada Baydhabo..

Qaraxa koobaad ayaa la sheegay in lagu Weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay sarkaal lagu magacaabo Kuurow Amxaar oo katirsan saraakiisha ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka ilaalada guriga sarkaalkan ayaana la sheegay in qaraxa kaddib ay rasaas fureen, waxaana halka qaraxa iyo rasaastaba ka dhaceen dadkii ka ag-dhawaa dareemeen cabsi .

Qarax labaad ayaa bam gacmeed  oo xalay lagu weeraray guri uu magaalada Baydhabo ka degan yahay wasiirkii hore Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo  ah agaasimaha hay’adda Tubsan ee Koonfur Galbeed.

Hay’adaha Amniga maamulka Koonfur Galbeed ma sheegin Haddii uu jiro khasaaraha ka dhashay qaraxyadan bambaano ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana socda howlgalo ay wadaan ciidamada ammaanka ee lagu raadinayo kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Amaanka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed  maanta aad loo adkeeyay waxaana dhacdadaan ay ku soo aadeysaa Xilli Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxyigeeda ay ka socdeen Maalmihii la soo dhaafay Hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga Gud ee Magaaladaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here