Home WARARKA Roobbab ka da’ay Khaliijka oo Dad ay ku dhinteen

Roobbab ka da’ay Khaliijka oo Dad ay ku dhinteen

32
0

Roobbab xoog leh oo ka da’ay wadamada Khaliijka ayaa sababbay soo rogmadashada daaddad aan horey loo arag, kuwaas oo galaaftay nolosha 20 qof ,keentayna in ay hawlihiisu carqalad ku yimaadaan garoonka labaad ee ugu mashquulka badan dunida ee Dubay.

Garoonka caalamiga ah ee Dubay ayaa wajahaya xaalad aad u adag maanta oo Arbaco ah. Dadka rakaabka ah ayaa loogu baaqay in aanay dhex socon garoonka oo biyo badan ay dhex jiifaan. Waqooyiga fog ee Isu tagga Imraadka Carabtana nin ayaa dhintay kaddib markii gaarigiisa ay la tageen daaddadka soo rogmday.

Dalka Cummaan, kooxaha gurmadka ayaa soo saaray maydka gabadh degmada Saham, taasoo tirada dhimashada tan iyo Axaddii ka dhigaysa 19 qof.

Maamullayaasha ayaa ka digaya roobbab kale oo dabeylo wata oo ka da’a dallalkaasi, xili daaddad kii hore ay biyo dhigeen magaalooyinka waaweyn.

Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo gobolka la dariska ah ee Waqooyiga Cummaan ayaa waxa salaasadii ka da’ay roobbab aan horey loo arag muddo 75 sanno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here