Home WARARKA Xiisad  dagaal oo ka ka taagan gobolka Sool

Xiisad  dagaal oo ka ka taagan gobolka Sool

28
0

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed oo uu weheliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo,  xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda, Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta ayaa caawo kulan la qaatay Cuqaasha Deegaannada SSC-Khaatumo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray adkaynta Difaaca deegaannada SSC-Khaatumo, iyadoo lagu xusay doorka shariifka ah ee Cuqaashu ku lahaayeen halgankii adkaa ee deegaannada SSC-Khaatumo lagaga sifeeyey Cadawgii Soomalilaan.

Hoggaamiyaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaaladda guud ee difaaca SSC-Khaatumo, isagoona xusay in ciidamada difaacu awood buuxda u leeyihiin sugidda difaaca xuduudaha deegannada SSC-Khaatumo iyo ilaalinta bedqabka muwaadiniinta reer SSC-Khaatumo.

Intaa kaddib, Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa si weyn ugu bogaadiyey Cuqaasha deegannada SSC-Khaatumo sida weyn ee ay uga soo dhalaaleen doorkooda ku aaddan difaaca iyo taageerada Ciidanka xaq u dirirka ah ee Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Cuqaasha ayaa Dhankooda hoosta ka xarriiqay in ay markasta u taagnaan doonaan ku shaqaynta iyo ka qaybqaadashada siyaasadda difaaca SSC-Khaatumo oo ah mid ku dhisan isku-tashi bulsho.

Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa Shacabka SSC-Khaatumo ugu baaqay in ay si weyn isu garab-taagaan ciidankooda difaaca oo iyagu ah halgamayaal ka sheegan guud ahaan Soomaali oo dhan, cadawgana u diiday in ay ku soo xad gudbaan taako ka mid ah dhulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here