Home WARARKA Shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera

Shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta Hargeysa iyo Berbera

24
0

Saddex qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo xalay ka dhacay jidka dheer ee isku xira Hargeysa iyo Berbera.

Shilka Gaari ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa tuulooyinka Aw-barkhadle iyo Dhubato oo ku yaal waddada Hargeysa iyo Berbera u dhaxeysa .

Dadka ku dhintay ayaa ahaa laba haween ah iyo nin, halka saddexda ku dhaawacamay ay kala hayeen laba nin oo Darawalku ku jiro iyo qof dumar ah, kuwaas oo xaaladdooda lagula tacaalayaa cisbitaalka Guud ee Hargeysa.

Shilalka Gaadiidka ayaa Somaliland ku soo badanayey muddooyinkii u u danbeeyay iyada oo warbixin ay Boolisku baahiyeen sannadkii hore ay ku sheegeen in shilalka ka dhacay deegaannada Somaliland ahaayeen 6530 shil, waxaana ku dhintay 198 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4,890 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here