Home WARARKA Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo muqdisho lagu dilay

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo muqdisho lagu dilay

25
0

Sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa lagu dilay Magaalada Muqdisho .

Sarkaalka  oo lagu magacaabayay Gasahaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) ayaa xalay lagu dilay agagaarka xarunta Iskuul Buluusiya.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay , waxa ayna Ciidanka halkaas ka sameeyeen baaritaan halka uu dilka ka dhacay.

Dhinaca Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Aadan Biid,  waxaana uu tilmaamay in sarlaalkan Qaranka Soomaaliyeed muddo dheer usoo shaqeeyay.

”Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Sidoo kale, kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya shariif sheekh Axmede ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay  geerida Marxuum  Aadan Cumar Ahmed Aadan Biit.

Qoraal uu bartiisa Face buuk ku soo qoray  sheekh shariif ayaa u qornaa sidaan:

Waxaan ugu tacsiyadeynayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si gaar ah caruurtii iyo qoyskii uu ka baxay Allaha u naxariistee Kornayl Aadan Cumar ( Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliska oo ay caawa cadawga argagexisada ah ee Muqdisho ku dileen.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan Alle ha naga wada siiyo ayuu yiri sheikh shariif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here