Home WARARKA Kaalinta Soomaaliya ay ka gashay Xorriyada Saxaafada

Kaalinta Soomaaliya ay ka gashay Xorriyada Saxaafada

32
0

Hay’adda u dooda Xuquuqda Suxufiyiiinta ee RSF ayaa soo saartay Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda ee Caalamka.

Hay’adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo soomaalinews.com dalka Faransiiska ee Paris waxay soo saartay Warbixintaasi shalay (April 3-da) oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda.

RSF waxay soo bandhigtay Qiimeynta  Liiska 180 Dal ee Heerarka Xorriyadda Saxaafadda iyo Tacadiyada ka dhanka ah Shaqaalaha Hay’addaha Warbaahineed ee Caalamka.

Tobanka dal ee ugu wanaagsan Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafada waxay kala yihiin:

1- Norway .

2- Denmark .

3- Sweden .

4- Netherlands .

5- Finland .

6- Estonia.

7- Portugal .

8- Ireland .

9- Switzerland .

10- Germany .

Sidoo kale,  Qiimaynta RSF waxaa lagu soo bandhigay Tobanka dal ee ugu hooseeya Heerka Dhowrista Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafadda, waxayna kala yihiin:

1- Myanmar .

2- China .

3- Bahrain .

4- Vietnam .

5- Turkmenistan

6- Iran .

7- North Korea .

8- Afghanistan .

9- Syria .

10- Eritrea .

Warbixinta Hay’adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxaa kaloo markii ugu horeysay lagu muujiyey inuu Heerka Xorriyadda Saxaafadda ee dalkeena Hooyo sare u kacay, halkii ay horey Somalia uga mid noqon jirtay dalalka ugu heerka hooseeya Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Hadalka.

Dhinaca kale, Liiska u dambeeyey ee ay Hay’adda RSF shalay soo daabacday waxay Somaaliya Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda kaga jirtaa Kaalinta 145-aad.

Markaynu guudmar ku samayno Liiskaasi, waxaa jira Waddamo Caan ah oo heerkooda Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta ka heer hooseeyaan dalkeena.

Tusaale ahaan Sudan oo gashay kaalinta 149-aad, dalka Türkiye oo ka soo muuqatay Kaalinta 158-aad, Imaaraadka Carabta Kaalinta 160-aad, Djibouti ,Kaalinta 161-aad, Sacuudiga Kaalinta 166-aad, Iraq Kaalinta 169-aad, Masar ,Kaalinta 170-aad, Shiinaha 172-aad iyo Bahrain Kaalinta 173-aad.

Degaano ku yaalla gobolka shabeellada Dhexe oo dib uga bilowday Hawlagllo ka dhan ah AS iyo Maamulka degmada Ceelbaraf oo ka hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here