Home WARARKA Soomaaliya iyo Hindiya oo Heshiis wada gaaray

Soomaaliya iyo Hindiya oo Heshiis wada gaaray

71
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha  Xukuumadda  Soomaaliya Axmed Macalin Fiqii ayaa la kulmay wafdi sare oo ka socday dalka Hindiya, oo uu horkacayay Dr. Sureh Kumar oo ah Xogheyaha wadaagga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Hindiya.

Labada  mas’uul ayaa ka wada hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan iyada oo si gaar ah looga hadlay horumarrrada ay ku tillaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dhinacyada  kale .

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirka Soomaaliya ee dalka India Axmed Cali Daahhir iyo xubno ka socday wasaaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyey dhibaatada muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin ayaa ku baaqay adeegga visaha loosoo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here