Home WARARKA Wasiir Fiqi oo shir uga qayb galaya dalka Shiina

Wasiir Fiqi oo shir uga qayb galaya dalka Shiina

88
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku sugan Caasimadda dalka Shiinaha ee Bekiin, isagoo hoggaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ee ka qeybgalaya meertada tobanaad ee shirka heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in la daahfuro 30 bishan May.

Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr dukuminti oo muhiim ah,  oo ay ku jiraan Baaqa Bekiin, barnaamijka fulinta ee Madasha  Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadaagga ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee qabsoomay.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha walaalaha iyo saaxiibada nahay ee ka qeybgali doona shirka heer wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here