Home WARARKA Ciidanka Booliska oo Xabsi u taxaabay dhalinyaro falal Amni darro sameysay

Ciidanka Booliska oo Xabsi u taxaabay dhalinyaro falal Amni darro sameysay

26
0

Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka waday degmadaas, kuwaas oo gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen banaanbaxyo rabshado dhaliyey oo khasaare sababay.

Booliska oo soo bandhigay sawirrada dadka lasoo qabtay ayaa sheegay in la horgey doono maxkamad, iyadoo mar kale looga digay shacabka ku nool caasimadda inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga liddi ku ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaybta  Guud ee Booliska Soomaaliya ayaa u qornaa sidaan:

Howl-gal ay sameeyeen Ciidanka Qeybta  Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan  Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam.

 waxay kusoo qabteen 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar ku Eedeysan in ay Dagmadda Daarusalaam ku qabteen isku soo bax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan.Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda uleh.

Waxaa lagu wargalinayaa shacabka kunool soomaalinews.com iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababikara fal  Amaanka liddi ku ahaayaa lagu yiri qoraalka ka soobaxay Raliska qaybta Guud ee Boolisla Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here