Home WARARKA Hogaanka SSC Khaatumo  oo u Hanjabay  Soomaaliland

Hogaanka SSC Khaatumo  oo u Hanjabay  Soomaaliland

23
0

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku qaado deegaanada SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay in ay jabindoonaan.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa mar uu la hadlayey jaaliyada reer SSC-Khaatumo ee magaalada Rooma waxaa uu sheegay in hadii maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadaan deegaanadiisa ay ku jabi doonto.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool.

Dhaqdhaaqyo dagaal ayaa laga soo sheegayaaa inay ka jiraan Aaga daal rr ay isku hor fadhiaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kadib markii Somaliland ay ciidan iyo saanad milatari kusoo daad guraysay, iyadoo xili kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here