Home WARARKA Dalal Yurub ka tirsan oo ku dhawaaqay in ay Aqoomsanayaan Falastiin

Dalal Yurub ka tirsan oo ku dhawaaqay in ay Aqoomsanayaan Falastiin

24
0

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa hadda ku dhowaaqay in dalkiisa uu aqoonsan doono dowladda madax bannaan Falastiin 28 ka bishaan May.

Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa sheegay in waddanku uu aqoonsan doono dowlad madax bannaan oo Falastiiniyiintu yeeshaan.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha dalka Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in dalkiisu uu Falastiin u aqoonsanayo dowlad madax bannaan. Dalalka Ireland iyo Spain ayaa iyaguna la filayaa in ay gor dhow shaaciyaan in ay Falastiin u aqoonsanayaan dowlad madax banaan.

Dalalkan Yurub ka tirsan ayaa sheegaya in xalka colaadda Israa’iil iyo Falastiin uu ku jiro in ay labada dhinac u macaamilaan sidii laba dowladood oo kala madax banaan.

Israa’iil ayaa ka carootay tillaabadaan oo ku tilmaantay mid sii hurineysa colaadda Qasa.

Sidoo kale , Falastiin oo ka hadashay go’aanka ay qaateen Spain, Norway iyo Ireland

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa soo dhaweysay go’aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeeyihiin.

“Tallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaarsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin.

“Intaa waxaa dheer, aqoonsiga Spain, Norway iyo Ireland, waa mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhammaan qaanuunnada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrimahaan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhammaan dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan soo afjaridda gumeysiga Israa’iil ee sharci-darrada ah iyo helitaanka nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Dalal Yurub ka tirsan oo ku dhawaaqay in ay Aqoomsanayaan Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here