Home WARARKA Dalalka Turkiga iyo Masar oo ka shiray Xaalada Soomaaliya

Dalalka Turkiga iyo Masar oo ka shiray Xaalada Soomaaliya

31
0

Madaxweyne Erdoğan waxa uu y Kulan Khaas ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Sameh Shoukry iyo Wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalkaasi.

Afhayeenka ahna Agaasimaha Arrimaha Dibloomaasiyada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Masar, Ambassador Ahmed Abu Zeid ayaa sheegay inay Madaxweyne Erdoğan iyo Wasiir Sameh Shoukry ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka labada Waddan, Qalalaasaha Iran iyo Israel, Qaddiyada Reer Falastiin iyo Mideynta Aragtida Masar iyo Turkiye ee ku aadan Arrimaha dalalka Syria iyo Libya.

Danjire Abu Zeid waxa kale oo uu tilmaamay inay Madaxweyne Erdoğan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar si Khaas ah uga wada xaajoodeen Kordhinta Aragtida Iskaashiga ee Isla Xiriirka Masar iyo Turkiga ee Xaalladaha ka aloosan Mandiqada Geeska Afrika, Somalia, Xiisada Masar iyo Ethiopia ee Webiga Nile iyo Guud ahaan Arrimaha kala duwan ee ka jira Qaaradda Afrika iyo Mandiqada Saaxil iyo Saxaara .

Dhanka kale, Wasiir Sameh Shoukry waxa uu u gudbiyey Madaxweyne Erdoğan Qoraal Khaas ah oo uu u soo dhiibay dhigiisa Masar, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil Elsisi, iyadoo la filayo inuu Madaxweyne Elsisi dhawaan Booqasho Rasmi ah ku tego dalka Türkiye.

Erdoğan waxa uu booqday dalka Masar bishii February 14-dii ee sanadkan, kadib, markii uu Xiriirka labada Waddan xumaaday markii xilka Madaxweynaha dalka Masar laga tuuray Maxamed Mursi Ciisa Al-Cayaat, kaasi oo Talada dalkaasi hayey muddadii u dhexeysay sanadihii 2012 ilaa 2013.

Dawlada Soomaaliya ayaa muddo dheer wali sii ah dal ku tiirsan taageerrada dibadda, wuxuuna Turkiga ka mid yahay dalalka tobankii sanno ee u dambeysay saameyn militari iyo mid dhaqaale ku leh Soomaaliya, halka dhinaca Masar ay saameynteeda xoogaysatay labadii sanno ee u dambeysay ee xukunka uu joogo Madaxweyne  Xasan. Hase  , ahaate , Dawlada ayaa Xoojisay Xiriirka ay la leedahay   Dawladaha Turkiga iyo Masar Markii Itoobiya ay Heshiis la gashay Soomaaliland oo kaas  Itoobiya ay Somaliland ugu ogolaatay in heleyso Dekad iyo Saldhig Ciidan balse Dawlada Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga soo horjeesatay arint

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here