Webiga Shabeelle ayaa xalay ku fatahay Xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, kadib roobab xooggan oo Magaaladaas ka da’ay.
Boqolaal Shacab ah oo deganaa xaafadaha Webiga uu ku fatahay ayaa bilaabay in ay ka baracakacaan Xaafadaha iyagoo u barakacay dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo roobab wato dabeylo iyo daadad.
Halkan Hoose ka dhageyso War bixinta :