Home WARARKA Eedeysane Sayid Cali oo Markale maxkamd la horgeeyay

Eedeysane Sayid Cali oo Markale maxkamd la horgeeyay

39
0

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fadhiisatay kiiska dacwdadda dilka ah ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Eedeysanaha oo ay horay dil ugu soo xukuntay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir ayaa loo haystaa inuu dilay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed oo uu gubay .

Fadhiga maanta ayaa waxaa maxkamadda la horgeeyay marqaatiyiyaal cusub oo ay ku jiraan dadkii ugu horreeyay ee guriga galay markii uu dabku dhacay iyo dhaqaatiirta isbitaallada la geeyay luul kahor inta aysan geeriyooon,si ay u caddeeyaan waxyaabaha ay arkeen.

Waxyaabaha kale ee cusub waxaa kamid ah in lasoo bandhigay muuqaalka guriga lagu gubay Luul,

Sayid-Cali, isaga ayaa dalbaday maxkamadda Racfaanka, kadib markii uu ku qanci waayey xukunkii dilka ahaa ee maxkamadda gobolka Banaadir ay horrey ugu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here