Home WARARKA    Turkiga oo ka hadlay  xiliiga Soomaaliya shidaal qodista ay ka bilabayaan

   Turkiga oo ka hadlay  xiliiga Soomaaliya shidaal qodista ay ka bilabayaan

34
0

Dawladda Turkiga ayaa markii u horreysay muddeysay xilliga ay billaabayso qodiska shidaalka Soomaaliya , kaddib heshiis ay labada dal gaareen bilowgii bishii saddexaad ee sannadkan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga,Alparslan Bayraktar ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in Turkiga uu ka billaabayo howlo shidaal baaris ah badda Soomaaliya, isagoo caddeeyay qorshaha qodista shidaalka badda inay billaabanayso sannadka 2025.

Heshiiska labada dal ayaa waxaa qayb ka ah baarista, ka faa’iidaysiga, horumarinta iyo soo saarista shidaalka Bariga iyo xeebaha Soomaaliya.

Wasiir Bayraktar ayaa soo bandhigay waqti cad, isagoo yiri; “Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inuu ku jiro  kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here