Home WARARKA Wasiir ka tirsan Xukuumadda Sooomaaliya oo shir uga qayb galay dalka Qatar

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Sooomaaliya oo shir uga qayb galay dalka Qatar

29
0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha BulshadaXukuumadda Soomalaiya , Maxamed Cilmi Ibraahim iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qeybgalay shir looga hadlaayay Arrimaha dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha muhaajiriinta ah ee u dhexeeya wadamada Afrika iyo Carabta.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada gobol  iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa, sida xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo qoritaanka shaqaalaha ee dalalka Afrika.

Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaan, isagoo bogaadiyay dowlada Qatar maadama ay martigelisey shirkan, sidoo kale wasiirka ayaa muujiyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed Ee ka shaqeeya dalalka carabta.

Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa  kulamo gaar gaar ah la yeeshey wasiiradda dhiggisa ah oo ka socday dalalka Carabta iyo wadamada Afrika  inta uu socdey shirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here