Home WARARKA Ruushka  oo lagu eedeeyey Muhaajiriinta ku sii qulqulaysa Xadka Poland

Ruushka  oo lagu eedeeyey Muhaajiriinta ku sii qulqulaysa Xadka Poland

34
0


Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk ayaa Talaadadii ku eedeeyay “Dawladda Ruushka” isku day ay kumannaan muhaajiriin ah oo Afrikaan ah uga tahriibinayso Yurub, isaga oo sheegay in Poland ay qorsheynayso inay xoojiso xudduudaheeda bari.

Tan iyo xagaagii 2021, kumannaan muhaajiriin iyo qaxooti ah, oo badi ka yimid Bariga Dhexe, ayaa ka gudbay ama isku dayay inay ka gudbaan xadka u dhexeeya Belarus iyo Poland.

Warsaw iyo reer galbeedka ayaa Belarus ku eedeeyay isku xirka qulqulka muhaajiriinta iyo xulafadooda Ruushka, taasoo qayb ka ah weerar “isku-dhafan” oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo gobolka iyo Midowga Yurub.

Ra’isul Wasaaraha Poland ayaa waxa uu Soomaaliya, Eritera, Yemen iyo Itoobiya ku sheegay dalalka uu Ruushku doonayo in uu “qorto” muhaajiriin si uu ugu diro xudduudda Poland, isaga oo sii mariyay “mid ka mid ah dalalka Carabta” oo uu geynayo Moscow.

“Hadda waxaa jira meelo badan oo Ruushka ah oo kooxo badan oo muhaajiriin ah oo sidan u abaabulan ay ku urursan yihiin,” ayuu yiri Tusk, isaga oo tixraacaya macluumaadka hay’adaha dalalka xulafada ah, oo aan laga bixin faahfaahin dheeraad ah.

Waxa uu intaa ku daray, “In ka badan 90 boqolkiiba dadka sida sharci darrada ah uga tallaaba xadka Poland waa dadka haysta fiisaha Ruushka.”

Poland ayaa sanadkii 2022 ka dhistay darbi bir ah oo dhererkiisu yahay shan mitir oo ku dherersan 186 kilomitir xadka ay la wadaagto Belarus si ay uga hortagto muhaajiriinta, iyada oo ku qalabaysay kumanaan kaamirooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here