Home WARARKA Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koofur galbeed oo lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koofur galbeed oo lagu dilay Muqdisho

31
0

Koox hubaysan ayaa waxay xalay magaalada Muqdisho ku dileen   Xildhibaan Ibraabim Cabdi Cabdiraxmaan oo ka tirsanaa Golaha Xildhibaanada Maamul goboleedka Koofur galbeed.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in kooxda dishay ay rasaas ku fureen taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyooday.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay in maalmohii la soo dhaafay uu Magaalada Muqdisho u joogay howla shaqo, inkastoo dilalka  noocan ah looga bartay Al shabaab.

Ma jiro wax war ah oo oo ka soo baxay Hay’addaha Amniga dowlada Federaalka Sooomalia iyo maamulka Koonfur Galbeed ee la xiriira dilka Xildhibaan Ibraabim Cabdiraxmaan oo degaan doorashadiisa ay tahay degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada  Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here