Home WARARKA Xukun dil ah oo lagu riday Rag lagu  Eedeeyay dil dhacay sanadkii...

Xukun dil ah oo lagu riday Rag lagu  Eedeeyay dil dhacay sanadkii 2016kii

28
0

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday xukunka ragga kala ah Maxamed Ibraahim Cali, Ilyaas Maxamed Xasan iyo Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan, oo saddex jeer oo hore ay Maxkamaddu u fadhiisatay gal dacwadeed ka dhan ah, kuwaasi oo xafiiska xeer ilaalintu uu ku soo eedeeyey islamarkaana uu sheegay inay si wada jir ah uga shaqeeyeen dilka Sheekh Cabdullaahi Dalab oo bartamaha sanadkii 2016 ka lagu dilay magaalada Kismaayo.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Ibraahim Cali iyo Ilyaas Maxamed Xasan dambiyadii lagu soo eedeeyey oo kala ahaa dilka AUN Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo inay ka tirsanyihiin Khawaariijta, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed Qamdariiran oo ah guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidmada Jubbaland.

Cabdullaahi Sheekh Cabdiwahaab Sheekh Cabdiraxmaan oo ah eedaysanaha saddexaad ee kiiskan ayay Maxkamaddu sheegtay in lagu waayay qodobadii uu ku soo eedeeyey xafiiska xeer ilaalinta, iyadoona taas baddalkeeda lagu helay tuhun waxayna maxkamaddu ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah taasi oo ka soo bilaabanaysa markii la soo xiray, sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed Qamdariiran guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here