Home WARARKA Dawladaha Taageera  Soomaaliya oo baaq ka soo saaray Dhameystirka  dasruurka

Dawladaha Taageera  Soomaaliya oo baaq ka soo saaray Dhameystirka  dasruurka

78
0

Beesha Caalamka ayaa qoraal wadajir ay ay soo saartay uga  hadashay wax ka bedelka dastuurka iyo qodobka la xiriira Xuquudqa Caruurta .

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya  waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu  xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub , Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here