Home WARARKA Madaale oo booqday Suuqa Bakaaraha

Madaale oo booqday Suuqa Bakaaraha

40
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay Suuqa ugu weyn ee dalka Soomaaliya (Suuqa Bakaaraha) si uu ugu kuur-galo isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Howlwadaag, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka iyo Ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here