Home WARARKA Somaaliland oo ka hadashay Ansixinta Afarta Cutub ee dastuurka Soomaaliya

Somaaliland oo ka hadashay Ansixinta Afarta Cutub ee dastuurka Soomaaliya

45
0

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta  Soomaaliland   Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa sheegay in Soomaaliland anay waligeed qayb ka noqon dastuurka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay hada ka hor aaminsanayd in Somaliland oo maqan aan dastuur la samayn karin, lakiin ay hada samaysteen dastuur u gaar ah, oo ay soo afjareen doodii hore, waxaana uu  sheegay intaasi ay ka dhigantahay in Soomaaliland ay Soomaaliya aqoonsatay Waa sida uu hadalka  u yir Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland  .

Arintan ayaa imaaneysa Xilli,labada Aqal  Baarlamaanka Soomaaliya ay shalay u codeeyeen  islamarkaana ay ansixiyeen  Afarta Cutub ee dastuurka Soomaaliya, kaasi oo madaxweynaha siinaya awoodo dheeraad ah, isla markaana faraya doorasho hal qof iyo hal cod ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here