Home CIYAARAHA Man United, Arsenal Iyo Tottenham Oo Doonaya Saxiixa Daafac Horay Ugu Soo...

Man United, Arsenal Iyo Tottenham Oo Doonaya Saxiixa Daafac Horay Ugu Soo Ciyaaray Chelsea. – ...

96
0

[ad_1]

Manchester United, Tottenham iyo Arsenal ayaa loolan ugu jira saxiixa ciyaaryahankii hore ee Chelsea Marc Guehi.
Daafaca Crystal Palace ayaa wacdaro ka dhigay Selhurst Park tan iyo markii uu ka tagay Stamford Bridge sanadkii 2021.
Haatan waxaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqo seddex ka mid ah ‘Lixdada kooxood ee waaweyn’ ee Premier League.
Steve Kay ayaa sheegqay in ay Tottenham doonayso saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Guehi.
Arsenal ayaa si weyn loo hadal hayaa inay doonayso daafac dhexe xagaaga, iyadoo xiddiga Palace ku dartay Liiska xiddigaha ay doonayso saxiixiisa.
Dhawaan, Saxafiga Foot Mercato Santi Aouna ayaa sheegay in Man Utd ay la soo saxiixan karto Guehi si uu u bedelo Harry Maguire haddii kabtanka kooxda uu baxo xagaagan.
Si kasta ha ahaatee Kooxda Crystal Palace ayaan doonayn in ay iibiso xiddiga xagaaga inkasta oo uu xiiso kla helayo kooxo badan oo waaweyn.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here