Home WARARKA Turkiga iyo Soomaaliya oo dardar gelinaya Heshiis ay gaareen

Turkiga iyo Soomaaliya oo dardar gelinaya Heshiis ay gaareen

45
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin wasaaradda Gaashaandhigga iyo Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markabka dagaalka Turkiaha uu lee yahay oo soo gaaray Muqdisho.

kulanka ayaa looga hadlay arimaha qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada. Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here