Home CIYAARAHA Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Xaraashaysa Xiddigo Waaweyn Saacado Kaddib Markii...

Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Xaraashaysa Xiddigo Waaweyn Saacado Kaddib Markii Lasoo Saaray Jaangoynta Mushaharka LaLiga

198
0

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu qasbayaa inay meesha ka saarto xiddigo waaweyn oo kooxdeeda ah, kaddib markii ay £57 milyan oo Gini ay kala badnaadeen mushaharka loo ogol yahay inay bixiso, iyo lacagta ay hadda kooxdu siiso ciyaartoydeeda.

Horyaalka LaLiga ayaa maanta soo saaray mushaharka ugu badan ee ay koox walba oo horyaalka Spain ah ay bixin karayso, waxaana si weyn hoos loogu dhigay Barcelona oo hore ugu jirtay dhaqaale xumo ba’an.

Jaangoynta mushaharka LaLiga ayaa sidii aanu maanta idiin soo gudbinay, waxa Barcelona loo ogol yahay in mushaharkeeda ugu badan ee ay bixin karayso isugeyn dhamaan ciyaartoydeedu aanu ka badan karin 204 milyan oo Euro oo u dhiganta £174 milyan oo Gini illaa inta laga gaadhayo suuqa xagaaga, waxaanay lacagtani £57 milyan oo Gini ka yaraatay mushaharka ay hadda kooxdaasi bixiso.

Real Madrid oo ah kooxda ugu dhaqaalaha badan adduunyada, ayaa waxa loo ogolaaday inay mushahar u bixin karto 727 milyan oo Euro, taas oo ku-dhowaad kala-badh ka badan inta ay kooxdaasi hadda mushaharka u bixiso.

Sida uu dhigayo sharciga UEFA, kooxaha ayaa waxa loo ogol yahay in ay kaliya mushahar ku bixin karaan 80% dakhliga kooxda, waxaana horyaalka Spain uu ku salleeyaa jaangoynta mushaharka xogta dakhliga iyo kharashka oo laga jarayo inta aan loo ogolayn in ay kooxuhu ku isticmaalaan mushaharka oo ah 20% oo loogu talo-galay adeegyada kala duwan ee ay kooxdu bixiso, maalgelinta bulshada iyo waxyaabo kale.

Barcelona ayaa waxa hadda laga doonayaa inay mushaharka ciyaartoydeeda ka dhinto £57 milyan oo Gini, waana mushahar dhawr ciyaartoy ay qaataan.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Barcelona ayaa waxa ay ku qasbanaan doontaa inay iibiso ciyaartooyo waaweyn, sida Frenkie de Jong oo ay doonayaan Manchester United iyo Chelsea. Waxa kale oo culaysyada ay iskaga furfuri karayaan Robert Lewandowski, Gavi, Raphinha, Ronald Araujo iyo Pedri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here