Home WARARKA Dawlada Shiinaha oo Soomaaliya ka gacan siineysa la dagaalanka Alshabaab

Dawlada Shiinaha oo Soomaaliya ka gacan siineysa la dagaalanka Alshabaab

68
0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku heshiiyey in labada dal ay sare u qaadaan iskaashiga dhanka difaaca.

kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo ka hortagga weerarada Al-Shabaab oo mararka qaar ay ka geystaan meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulanka waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka difaaca iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Shiinaha taageerada joogtada ah, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee lagu gaarayo ujeedooyinka amniga ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha  ayaa xaqiijiyay taageerada Shiinaha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here