Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dhameystirka Dastuurka iyo Ladagaalanka Alshabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dhameystirka Dastuurka iyo Ladagaalanka Alshabaab

36
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlayo dagaalka dalka looga xoreynayo  Alshabaab iyo dhameystirka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shan qodob ay muhiimad siisay dowladda xogana saartay, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah lagu guuleystay, kuwaas oo kamid ah Deyn cafinta, ku biirstii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ,dagaalka ka dhanka ahAlshabaab ,wax kabadalka arrimaha dastuurka dalka,cunaqabateynta laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dagaalka dalka looga xoreynayo Alshabaab iyo in dalka loo sameyo Dastuur rasmi ah oo meesha laga saaro dastuurka KMG oo muddo lagu soo jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here