Home ARAGTIDA QARAAGA Siyaasi Cali Daacuun” . “Ergo wixii lasiiyana way cuntaa” wixii lafarana way...

Siyaasi Cali Daacuun” . “Ergo wixii lasiiyana way cuntaa” wixii lafarana way qaadaa

123
0

Siyaasi Cali Daacuun oo ka  faalooda Siyaasada Soomaaliya ayaa ka hadlay qoraal dhawaan ay si wadajir ah u soo saareen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya  Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Farmaajo oo la xiriira in ay dhex dheexaadinayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland ee dhawaan la doortay Saciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf uu ka dhexeyo.

Qoraal uu Siyaasi Cali Daacuun uu Arintaas uga hadlayay ayaa u qornaa sidaan ” .

” . Labadii war-saxaafadeed ee ka soo kala baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaayo iyo Sheekh Shariif waxaa iiga muuqday qoraalka in madaxwayne Xassan Sheekh dhax-dhaxaadin ka dalbaday inay dhax-dhaxaadiyaan isaga iyo Saciid Cabdullaahi Dani.

Waxaa kaloo iiga muuqday war-saxaafadeedka in Madaxwayne Xassan Sheekh uu ka baxay dhax-dhaxaadintii, taasina uma fiicna qofka state man ka ah, balse shareecada islaamka ayaan u dhaafaayaa waxay ka qabto.

Kolka laga reebo madaxwaynayaasha Cabdullahi Yusuf Allaha unaxariistee iyo Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan, intooda kale ee isoo martay beentana way yaqaanaan ballan-furkana way yaqaanaan, arintaasina ma ahan arin hogaamiye u fiican.

Laba xisbi kama shaqaynaayaan Soomaliya hadii uu ku adkaysto Madaxwaynuhu hagar-daamadii uu cadawgu  ku haayay Soomaaliya ayuu  u fududeeyay, taasina waxa weeye dal- ba’ay iyo madax aan lahayn damiir nool ayuu qoraalkiisa ku soo gaba gabeeyay.

AL-XAQIIQA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here