Home WARARKA Wafdi ka socda Dawlada Soomaaliya oo shir uga qayb galaya dalka Turkiga

Wafdi ka socda Dawlada Soomaaliya oo shir uga qayb galaya dalka Turkiga

60
0

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Shirka oo ay ku kulmi doonaan madaxda Baarlamaannda waddamada Islaamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.

Gudoomka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qayb galaysa shirkaas oo ka hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka iyo Xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedagay dalalka ka qayb galaya shirkaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here