Home CIYAARAHA Arsenal Oo PSG Iyo Bayern Munich Kula Dagaalamaysa Saxiixa Xiddig Aad Loo...

Arsenal Oo PSG Iyo Bayern Munich Kula Dagaalamaysa Saxiixa Xiddig Aad Loo Qiimeeyo. – ...

34
0

[ad_1]

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxaha PSG iyo Bayern Munich kula dagaalamayso saxiixa xiddiga 16 jirka ah ee Freiburg ee Noah Darvich.
Darvich ayaan weli xitaa u safan kulankiisii ​​​​ugu horreeyay ee Freiburg, laakiin xiddiga oo boosas badan oo weerarka ah ka ciyaara kara ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulka Germany ee 17 jirada taas oo jiitay indhaha kooxaha waaweyn.
Da’yarka aadka loo qiimeeyo ayaa daah furay goolkii ay Germany ku bilaabatay tartanka yurub ee 17 jirada kaas oo ka socda dalka Hungary iyaga oo xasuuqay xulka Portugal.
Sida laga soo xigtay CaughtOffside, Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Darvich iyaga oo kula tartamaya kooxaha PSG iyo Bayern.
Arsenal ayaa saxiixa xiddiga doonaysa in ay marto wadadii ay kula soo saxiixatay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo ay kooxda keentay isaga oo caruur ah.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here