Home WARARKA Dhageyso:  Maamulka degmada Xawaadley  oo ka war bixiyay Fatahaad uu Webiga shabeelle...

Dhageyso:  Maamulka degmada Xawaadley  oo ka war bixiyay Fatahaad uu Webiga shabeelle ka geystay degmdaasi

27
0

Wararka ka imaanaya degmada Xawaadleey rr gobolka shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in  khasaare uu ka dhashay Roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degmadaasi.

Roobka ayaa la sheegayaa in uu dumiyay dhowr iyo tobon Guri waxaana laga samata bixiyay dadkii deganaa degabaa xaafadaha uu roobka saameeynta uu ku yeeshay .

Sidoo kale Webiga shabeelle ayaa Fatahaad ka geystay xaafado ka tirsan degmada Xawaadley  , iyadoo maamulka iyo dadka shacabka ah eek u nool degmadaasi ay gacan ka geysanayaan sidii loo xeri lahaa halka uu webiga ka fatahay.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Maamuka degmada Xawaadleey ee gobolka shabeelada Dhexe Maxamed Cali  Iidoor ayaa  uga digay shacabka degmadaasi  in ay ka feejig naadaan Fatahaada Webiga shabeelle uu ka geysan karo degmadaas madaama webiga biyo badan uu wado.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Gudoomire Iidoor:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here