Home WARARKA Maxay Tahay Dacwada SJS ay u gudbisay Xeer Ilaalinta Soomaaliya ?

Maxay Tahay Dacwada SJS ay u gudbisay Xeer Ilaalinta Soomaaliya ?

36
0

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo adeegsanaya sharci yaqaanno caalami ah ayaa bishii Sebtembar 2023 gudbiyay dacwad heer caalami ah oo ka dhan ah saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ku xusan dacwaddaasi ayaa si rasmi ah loo wargaliyay 18 Maarso 2024, waxaana laga dalbaday inay jawaab ku soo bixiyaan muddo 6 bilood ah.

SJS iyo qareenadeeda waxay diyaar u yihiin sii wadista dacwaddaasi iyo kuwo kale si loo soo afjaro tacaddiyada soo laalaabta ee ka dhanka ah saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha oo ay ku jiri karaan dembiyada dagaal ee laga yaabo inay ka dhacayaan gudaha Soomaaliya.

Waxaan ku kalsoonahay sharci yaqaanadeeda, iyo ka go’naanteeda raadinta caddaaladda. Hanjabaadaha hadda socda iyo kuwa kale ee iman doona nama cabsi gelin doonaan. Waxaan ugu baaqeynaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha loo soo afjari lahaa, loolana xisaabtami lahaa kuwa geysta tacaddiyadaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here