Home WARARKA Tirada Soomaalida iyo dadka Carbeed ee Fiisaha ku galay Maraykanka 2023-kii oo...

Tirada Soomaalida iyo dadka Carbeed ee Fiisaha ku galay Maraykanka 2023-kii oo la shaaciyey

58
0

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii tagay boqolaal kun oo qof u oggolaatay in dalkeeda sifo sharci ah ama viiso ku galaan, waxaana dadkaasi ku jira dad badan oo Soomaaliyeed iyo kuwa kale oo Carab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa soo saartay warbixin sanadeedka ay ku shaaciso tirada guud ee viisooyinka ama dal-kugalka ee la bixiyay sannadkii hore ee 2023, viisooyinkaasi oo dad badan ku galeen Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka oo soo xignaya warbixinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in tirada guud ee viisooyinka la bixiyay sannadkii hore ay gaarayaan 562,000 oo Fiiso ah.

Dadka Soomaaliyeed ee sannadkii hore dalka Mareykanka ku galay viisaha ayaa gaaraya 837 qof, dadkan Soomaaliyeed ayaana ka tagay meelo kala duwan, iyagoona qaabab kala gedisan ku helay viisooyinka.

Dhinaca kale, Warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxaa lagu xusay Tirada Muhaajiriinta dalalka Carbeed ee Fiisooyinka ku soo galay dalkaasi sanadkii hore.

Shaxda Hoose ka Akhriso dal kasta iyo Tirada Fiisooyinka la siiyey:

1- Masar       5,944 Fiiso,

2- Urdun  5,447 Fiiso,

3- Yemen       5,323  Fiiso,

4-  Morocco  4,729 Fiiso,

5- Algeria  4,657 Fiiso,

6- Sudan        2,878 Fiiso

7- Iraq         2,272 Fiiso

8- Syria          2,100 Fiiso,

9- Lebanon    1,793 Fiiso

10- Saudi  1,094 Fiiso,

11- Somalia       837 Fiiso,

12- UAE 716 Fiiso,

13-  558 Fiiso,

14- Kuwait        541 Fiiso,

15- Qatar         365 Fiiso, 

16- Tunisia        306 Fiiso,

17- Mauritania  169 Fiiso,

18- Djibouti.         69 Fiiso,

19- Bahrain          53 Fiiso,

20- Oman             47 Fiiso,

21- Comoros         4 Fiiso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here