Home WARARKA Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka

Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka

38
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga taas oo lagu xusayay 64-sanno guurada ka soo wareegtay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Ciidanka Xoogga,xasaaskooda,Carruurtooda iyo Saraakiishooda kala duwan.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Hadh iyo habeen difaacyada iyo furimaha Dagaalka ugu jiraan Difaaca dalka iyo sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato. Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here