Xildhibaan Faarax C/qaadir oo lacago ugu deeqay dadka ku tabaaloobay abaaraha

Mudane Faarax C/qaadir oo ka mid ah xildhibaannada baarlamanka islamarkaana ah musharax u taagan qabashada xilka gudoonka baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa deeq lacageed gudoonsiiyay guddiga gurmadka abaaraha si loo gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeelatay abaarta ka taagan dalka. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Muqdisho ayaa musharax Faarax C/qaadir wuxuu warbixin ku saabsan abaarta uga dhageystay gudoomiyaha gudiga Qaran ee gurmadka abaaraha Cabdi Axmed Baafo oo sheegay iney si cadaalad ah u gaarsiindoonaan deeqdan dadka u baahan. Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa nasiibdaro weyn ku tilmaamay in xiligan casriga ah ay dad Soomaaliyeed abaar iyo biyo la’aan ugu dhimanayaan qeybo ka mid ah dalka, wuxuuna ugu baaqay bulshada iney qeyb weyn ka qaataan gurmadka lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed ee abaarta ku tabaaloobay. Waxaa laga deyrinayaa xaaladda abaarta ka taagan dalka, iyadoo la sheegay in dadka iyo duunyaduba ay u dhimanayaan abaar iyo biyo la’aan baahsan oo ka jirta dalka.
Source: radio muqdisho

Leave a Reply

WARARKII