Kenya Oo Mudo Shan Cisho Ah U Qabatey Rag Muslimiin Kenyaan Ah.

Mudo Gaareysa 5-Maalmood Ayaa Police-Ka Dalka Kenya Ay U Qabteen 12-Rag Oo Muslimiin Kenyan Ah Si Ay U Keenaan Cadeeymo Lagu Sii Deyn Karo Oo Ku Aadan In Aysan Damacsanayn In Ay Kuu Biiraan Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab Sida Ay Sheegeen Warbaahinta Dalka Kenya.

 

Police-Ka La Dagaalanka Argagexisada Ayaa Ragaasi Ka Shaki Qaba In Ay Damacsanaayeen In Ay Ku Biireen Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab.

 

Jariidada Kasoo Baxda Dalka Kenya Ee Daily Nation Ayaa Soo Xiganaysa Qaadiga Maxkamad Ku Taala Dalka Kenya Dancun Mtai Oo Sheegaya In Shanta Maalmood Ay Tahay Mid Ay Xoriyad Ay Dadkaasi U Leeyihiin In Ay La Yimaadaan Cadeeymo Sida Uu Qabo Dastuurka Kenya.

 

Ragaasi Waxaa Laga Soo Qabtay Masjid Ku Yaala Magaalada Mandera Oo Ku Dhow Xadka Soomaaliya Iyo Kenya.

 

Golaha Muslimiinta Kenya Ayaa Sheegay In Dadka La Xiray Ay Yihiin Kuwo Abriya Ah Waxana Ay Saraakiisha Kenya Ugu Baaqeen In Ay Qaadan Talaabooyin Sirdoonka Kenya Uga Fogaanayaan In Ay Dhibaateeyaan Dadka Aan Wax Galabsan.

 

 

Leave a Reply