WARBIXIN IYO SAWIRO: Bulshada Soomaalida Bergen oo baaq iyo baraarujin loo sameeyay.

Kullan wacyigelin iyo wadahadal ay si wada jir ah u soo agaasimeen Ururada kala ah Association for social (ASA), QADO iyo Den Somaliske Kavinneforning I Hordland oo ay wadaan Xubno Soomaaliyeed ayaa maalintii shalay loo qabtay Soomaalida ku nool wadanka Norwey gaar ahaan Magaalada Bergen, kulankaasi oo looga gol lahaa, Hormarinta Dhalinyaradda, Waxqadka, Dhex-dhaxaadnimada, Wacyigelinta Waalidiinta, Kor u qaadida Aqoonta, Ka hortagida Qabyaalada iyo is faquuqida, sidii xiriir wanaagsan uu u dhex mari lahaa Kamuunka Bergen oo ah Maamulka Degmada iyo Bulshada Soomaaliyeed iyo in aanan dhalinyaradda da’yarta loo isticmaalin falal danbiyo ka ah wadanka ay ku nool yihiin.

Ugu horeen waxaa Aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo Kalmado waano iyo wacyigelin  kullanka ku furay Sheekh C/kariin Gadle, wuxuuna xusay faa’iidada ay leedahay in wanaaga laga wada shaqeeyo.

Arrinka aadka u xasaasiga ahaa oo kullanka looga hadlay ayaa ahaa  sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka dhex dhaca qoysaska Soomaaliyeed taasoo mararka qaar sababta is dil iyaga dhexdooda oo ay ugu danbeeysay Muwaadin Soomaaliyeed Xaaskiisa ku gowracay Magaalada Askøy.

Ustaad C/laahi Dayax ayaa ugu horeen sharaxaad ka bixiyey sababihii keenay inay sameeyaan ururkan aan dowliga ahayn taasoo ka dambeesay dhacdadii ka dhacday Magaalada Askøy bilowgii Sanadkan.

“Dhibaato badan iyo waqti ayaa ku bixinay sidii aan heerkan u soo gaari lahayn….Haddii aan gar deesano masaajidka shanta waqti ku dukano xagjir miyaa noqoneynaa….?.  Inaga ayaa is weydiinay inta aanan codsiga gaarin…” ayuu yiri Ustaad C/laahi Dayax isagoo intaasi raaciyey in maamulka Degmada markii ay u bandhigeen ujeedka ururkani ay la dhaceen taasoo ugu dambeen keentay inay yabooh lacageed ka helaan dowladda Norwey.

Maamo Maryan Aadan Cigale oo ka mid ah Den Somaliske Kavinneforning I Hordland ayaa ku baaqday in laga wada shaqeeyo danta Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo tilmaamtay inay muhiim tahay inay wax ween qabsadaan.

“Aabayaasha waa inay soo diraan Hooyinka si wax loogu baro, Haweenkuna isku wacyigeliyaan” ayay ku baraarujisay  Aabayaashii ka soo qeyb galay kullankii shalay Maamo Maryan oo ka mid ah haweenka ku nool Magaalada Bergen.

Sheekh C/ladiif C/laahi Axmed ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsanaa in la qabto kullankaasi wuxuuna si qoto dheer uga hadlay arrinka ku saabsan waxa ay tahay Xagjirnimadda.

“Arrinka Xagjirnimada waa mid xigmadeesan oo u baahan in la wada fahmo sida caadiga ah inagu dad Muslim ayaynu nahay, waana Nasteexo iyo dhexdhexaad…Islaamka saxda ahi Xagjir maaha waana Muhim in arrinkaasi la wada fahmo…Qabiileysigu iyo faquuqida xitaa waa Xagjirnimo u baahan in laga hortago” ayuu yiri isagoo hadalkiisa intaasi raaciyey in Xagjirku yahay mid Ummadda dhinac uga baxsan, oo aan dheereen cimrigiisa naftiisuna cadow ku ah ruuxaasina aanu ahayn qof islaam sawi ah sida uu tilmaamay Sheekhu.

C/Kariin Maxamed Cali Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Bergen ayaa amaan ballaaran u jeediyey xubnaha ururka Association for social (ASA) isagoo sheegay inay ka mid yihiin Jaaliyadda waana dad ay dhammaan Soomaalida u wada riyaaqeen.

“Qofka Bulshada wax wanaagsan u qabta waxaa wanaagsan in aan ku dhiiragelino waayo dhiiragelintaas waxay abuuraysaa Kalsooni fara badan….bal fiiri kulankan maanta wuxuu inoo muujinayaa sida bulshadeena u jeceshahay in aan tilaabo tan ka sii wanaagsan aan wada jir u qaadno…wax kasto oo Soomaali wanaageeda iyo wacyigelinteeda ka talinaya waa u hiilan nahay waana soo dhaweynaynaa, waana u mahad celinaynaa….raggaan walaalaheen ah ee soo sameeyey dadaalka iyo guushan libinta la taaban karo”.

Xubnihii kullanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Garuun ayaa lacagta la soo qaaday ku sheegay in loogu talagalay ka hortaga in aanan dhalinyaradda da’yarta loo isticmaalin falal danbiyo ka ah wadanka ay ku nool yihiin, kor u qaadida Tacliinta,  iyo Qoysaska qudha iska jara kuwaa oo maalmihii ugu dambeysay ku soo kordhayay dalka Norwey.

Wuxuu baaq iyo baraarujin ballaaran u jeediyey Soomaalida ku nool guud ahaan gobolka Hordland inay ka shaqeeyaan wax kasto oo wanaag ah ayna isku duubnaadaan si xal wada jireed looga gaaro arrimaha kor ku xusan.

Guddiga ayaa sidoo kale Su’aalo uga jawaabay qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed ee ka qeyb gashay Madasha wada hadalka, iyadoo qaar badan oo ka mid ahaa Su’aalihii dhanka Bulshada ka imaanayay uu halkaasi si waafi ah kaga jawaabay Ustaad C/qaadir Maxamed Axmed (Cabdul) oo dhankiisa ka mid ah Xubnaha ururkani.

Ugu danbeen ka soo qeyb galayaasha Kullanka ayaa ku taliyeen in kullamada wacyigelinta iyo Baraarujinta noocaani ah la badiyo si wax badan oo wanaag iyo faa’iido horseedi kara la isku weedaarsado.

Si kastaba kullanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxadeed iyadoo halkaasina Qado sharaf lagu cunay, Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Bergen iyo Nawaaxigeeda isla markaana kullanka goob jooga u ahaa ay isku marxabeeyeen, waana kullankii ugu horeeyey noociisa ah lagu qabto Magaalada Bulsho intaasi la egna isugu yimaadaan.

P1020142

P1020144

P1020146

P1020147

P1020149

P1020151

P1020153

P1020154

P1020156

P1020158

P1020159

P1020161

P1020162

P1020163

P1020164

P1020166

P1020167

P1020168

P1020169

P1020170

P1020174

P1020175

P1020176

P1020177

P1020178

P1020179

P1020181

P1020182

P1020183

P1020186

Bile Maxamed Cabdi (Bile Baastey)

Email: baastey11@hotmail.com

Bergen-Norwey.

Leave a Reply

WARARKII