Qeybaha kala duwan Soomaalida Norwey oo soo dhaweeyey Magacaabista Axmed Taajir.

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Galmudug Axmed Abuukar Jalwa (Axmed Taajir) oo dhawaan loo magacaabay xilkaasi ayaa durba amaan ballaaran ka helay qeybaha kala duwan Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasime Axmed Abukar Jalwa Oo loo yaqano Ahmed Taajir waxa oo kudhashay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.

Wax barashadiisi dugsiga hose dhex iyo sare waxa oo ku soo qatay isla magaalada muqdisho sanadkii 2007 waxa oo ahaa madaxa isku xirka ardada Somaaliyed waxa oo wax badan ka soo shaqeyay arimaha bulshada.

Agaasime Ahmed waxa oo hada ku noolyahay wadanka Norwey waxa oo waxbarashadiii qeebaha kaga hertay ku dhamestay isla Norwey.

Sanadkii 2011 waxaa loo dhortay inow naqdo gudomiyaha urur ay ku mideysanyihin dhalinyarada Somaaliyeed kaas oo lagu xasuusto gurmad  ay u fidiyen dadka ee saameynta ugu daran kasoo gartay abaarihii ku dhifay bariga iyo bartamaha Somaaliya.

Axmed kuma koobno oo kaliya in oo waxbadan uqabtay bulshada Soomaliyed ee ku nool dalka hooyo ee Somaliya sidoo kale hada waa madaxa iskuxirka dowlada iyo qaxootiga somaalida kunool wadanka Norwey.

Waxyaabihii lagu xasuusto wax qabadkiisi waxaa kamid ah in uu wax badan ka qabtay carurta Somaalida ee sida fudud looga qaato waalidintoda wadanka Norwey.

Qaar ka mid ah Bulshada ku nool Dalka Norwey ayaa si diiran u soo dhaweeyeen magacaabista Axmed Taajir, iyagoo ku booriyey inuu la yimaado wax qabad wanaagsan, maadaama uu yahay sida ay sheegeen masuul u qalma xilkaasi loo igmaday.

Si kastaba ha ahaate jagadaan loo magacaabay Ahmed Abukar Jelwo ee ah Agaasimaha madaxtoyada dowlad goboledka Galmudug ayaan ku soo aadayo xili looga fadhiyo in waxbadan oo uqabto shacabka iyo mamulka kunool deganadaasi.

13141127_620266208130446_414168424_n

Leave a Reply

WARARKII