Maxaad ka taqaanaa Waayeelkii Kitaabada Xooray si uu caan uga noqdo Baraha Tiktok?

0
45

Waxaa jira nin da’ ah oo caan ka ah baraha bulshada ee Soomaalida, kaas oo ay dadku ku sheegaan inuu yahay ninka ugu da’da weyn ee isticmaala Tiktok.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Shariif Xuseen oo 58 jir ah, wuxuu caan ku noqday muuqaallo madaddaalo ah oo uu soo galiyo barta uu ku leeyahay Tiktok, laakiin sababta ay dad badan u daawadaan muuqaalladiisa ayaa ah, hab-dhaqankiisa oo uu beddelay.

Wuxuu ku nool yahay magaalada Muqdisho, waxaan ku booqday xaafadda uu deggan yahay.

Bartamihii sanadkii 2021 ayuu billaabay in uu isticmaalo aaladda Tiktok oo ah meel ay dhallinyaradu ku kulanto, si uu ugu sameeyo wacyigelin.

Shariif ayaa yiri: “Tiktok waxaan ku billaabay – xaalad baa taagneyd oo xun oo aan fiicnayn oo dhaqanka Soomaaliyeed aan u fiicnayn, taas inaan wax ka beddelo ayaan u galay horta.”

Muuqaalladii ugu horreeyay ee uu baahiyo waxay isugu jireen wacdi, waano iyo Nabi ammaan. Isaga oo joogo masaajidka ama gurigiisa ayuu isaga duubi jiray taleefankiisa gacanta.

Laakiin, markii uu dhowr bil waday howshaas, waxay ula muuqatay in aysan sii socan karin, maxaa yeelay, wuxuu heli waayay dad badan oo daawada, taas ayaana beddeshay go’aankiisa.

“Meelba sida ay u taallo ayaa loola yaallaa,” ayuu yiri Shariif. “Waa in aan dhallinyaro isku ekeeyo oo howshii dhallinyarada aan billaabo si aan dadka u soo jiito … waxaan sameeyay waxyaabo mucjiso ah markii wacdigeyga iyo waanadeyda loo dhag dhigi waayay.”

Intaas kaddib Shariif wuxuu billaabay in uu iska duubo muuqaallo qoob-ka-ciyaar ah, kuwa madaddaallo ah, iyo riwaayado inuu jilo.

Wuxuu iska xiiray gar wayn oo midab guduud ah lahaa oo ay caan ku yihiin duqayda Soomaalidu. Wuxuu gashtay surwaal jeenis ah oo lugo-dhuudhuuban iyo funaanado gacmo gaab ah.

Kaddib waxaa kor u kacay dadka daawanaya muuqaalladiisa iyo kuwa ku xiran bartiisa Tiktok oo dhaafay labo boqol oo kun. Dhowr milyan oo ruux ayaa daawaday muuqalladiisa.

Inta uusan billaabin adeegsiga Tiktok, wuxuu ahaa nin daaci ah muddo soddon sano ah. Intii aan joogay gurigiisa wuxuu i tusay halka ay ugu kaydsan yihiin kitaabbada diiniga ah ee uu raacan jiray, qaar ayuuna soo bixiyay si aan u arko.

Kitaabbada uu i tusay waxaa ku jiray; Nasaa’ix Diiniyah, Munaaqib iyo kitaab kale oo la yiraahdo Diibat al-Qarraa.

Dad badan oo faallo ka bixiya muuqallada Shariif waxay ku dhaliilaan in uu yahay nin ka leexday dhabbihii wanaagsanaa ee uu horay dadka ugu yeeri jiray inay raacaan, laakiin Shariif wuxuu aaminsan yahay in ay tani tahay waddada ugu dhow ee uu wax ugu sheegi karo da’ yarta.

Shariif ayaa yiri: “Isku xishoo, waad dhimaneysaada yeereysa, ma anaa moog inaan dhimanaayo? Waligeyna wax ma dilin, wax ma bililiqeysan, intaana waan dhex taagnaa carrada, dhiig bini’aadanna ma galin.”

Waxay u muuqataa Shariif in uu hirka la dabaashay, oo ay hoggaamisay tirada dadka ka falcelinaya muuqaalladiisa.

Malaayiin Soomaali ah ayaa adeegsada baraha bulshada sida Shariif oo kale, laakiin waxay u muuqataa in qaar ay ku Xadgudbeen  adeegsiga warbaahinta bulshada, iyaga oo mararna ka tallaaba waxyaabo qiyam u ah bulshada iyo naftoodaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here