Diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa Xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ka bilaabatay Magaalada Muqdisho

WARARKA

magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilowday  diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Murashax Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.

15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.