Dibad baxaan cabashada ah ayaa waxa dhigay qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Bl iyo Bajaajka oo ay wehliyaan Ganacsato Waxana uu ka dhacay Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho.
Dibad baxayaasha ayaa ka cabanayay Biyo fariistay Nawaaxyiga isgyska Fagax gaar’ahaan GoobahaXaruumaha Ganacsi ee ku yaala halkaas , taas oo keentay in Gaadiidka maraan waddooyinka Xaafadaha ah.
Dadka dibad baxaya dhigayay ayaa dhagxaan ku jaray qaar kamid ah waaddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Isgoyska Fagax, iyaga oo u diidaya inay Gaadiidka maraan, waxaana ay dalbanayeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu Biyaha wadada laamiga ah ka nadiifiyo.
Waxaa hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga, waxaana Isgoyska Fagax Maanta siweyn looga dareemay bannaanbaxa ay dhigayeen Gaadiidleyda iyo Ganacsatada.